Posts

Showing posts from July, 2010

Aduunyadda oo u sii qiil samaysanaysa cunista Ayaxa iyo Xasharaadka kale

Image
Ayaxii geyiga joogi jirey guuto lagu saaryo. Gubniyaa hareeraha ka galay gariyaal wada e Geedihii sun baa loogu daray geerina u badaye…. Bal hadda aan idinka yara nasiyo hadalhaynta siyaasada iyo mala-awaalka xukuumada la soo dhisi doono. Waxaad moodaa in aduunkii u sii qiil banaysanayo in Ayaxa iyo xasharaadka kale ee cago-badanta ah la cuno. Waxaaban xusuustay gabaygii Ismail Mire ka tiryey abaartii khatar ahayd ee 1927-1930 intii u dhaxay qaybo badan oo dhulka Somalidu degto ku habsatey. Gabaygaas oo la odhanjirey ‘Guuguule.’ Haddaba bal waxaan doonayaa inaan idiin soo gudbiyo qoraal aan ka soo minguuriyey qaybta cuntada ee shebekadda CNN oo runtii aad u xiiso badan. Qoraalkani wuxuu muujinayaa werwerka laga qabo cuntada ‘caadiga ah’ ee wakhtigan aduunka lagu cuno inay ku filaanweydo dadka aduunka ku nool oo sii farabadanaya. Waxa cajaayib ah oo aan aad ula yaabay markaan sii akhriyey qoraalkaas oo amankaag iyo yaab igu ridey. Waxaan ka fekerey sidda dadka Somalidu u...