Aduunyadda oo u sii qiil samaysanaysa cunista Ayaxa iyo Xasharaadka kale
- Ayaxii geyiga joogi jirey guuto lagu saaryo.
- Gubniyaa hareeraha ka galay gariyaal wada e
- Geedihii sun baa loogu daray geerina u badaye….
Bal hadda aan idinka yara nasiyo hadalhaynta siyaasada iyo
mala-awaalka xukuumada la soo dhisi doono. Waxaad moodaa in aduunkii u sii qiil
banaysanayo in Ayaxa iyo xasharaadka kale ee cago-badanta ah la cuno. Waxaaban xusuustay gabaygii Ismail
Mire ka tiryey abaartii khatar ahayd ee 1927-1930 intii u dhaxay qaybo badan oo
dhulka Somalidu degto ku habsatey. Gabaygaas oo la odhanjirey ‘Guuguule.’
Haddaba bal waxaan doonayaa inaan idiin soo gudbiyo qoraal aan ka soo
minguuriyey qaybta cuntada ee shebekadda CNN
oo runtii aad u xiiso badan. Qoraalkani wuxuu muujinayaa werwerka laga qabo
cuntada ‘caadiga ah’ ee wakhtigan aduunka lagu cuno inay ku filaanweydo dadka
aduunka ku nool oo sii farabadanaya. Waxa cajaayib ah oo aan aad ula yaabay
markaan sii akhriyey qoraalkaas oo amankaag iyo yaab igu ridey. Waxaan ka
fekerey sidda dadka Somalidu u hanweynyihiin ee aan cuntadeena qaar uga
khashaafno iyo sidda aduunyada hore u martay ay wixii dhaqaaqaba u cunayso.
Waxaad ogtahay akhristow in marka dhulkeena neef lasoo qalo qaybo badan oo
neefkaas ka mid ah la tuuro. Waxaan jecelaystay bal inaan qoraalkan u soo
gubiyo akhristayaasha oodweynenews.com. Hadaba bal waakan qoraalkii oo aan
afsomali ku soo minguuriyey, waxaannu ku bilaabmay siddatan:-
40ka
sanadood ee soo socoda, aduunku wuxuu u baahandoonaa in 100kiiba 70 kor loo
qaado wax soo saarka xagga cunta si ay cunto u helaan dadka aduunka ku nool oo
ballaayiin kale (billions) ku sii biirayaan, kuwaas oo kana sii dhaqaale
roonaandoona dadka hadda aduunka ku noool. Xaggee ayay haddaba cuntadaasi ka
imandoontaa? Ninka la yidhaahdo Marcel Dicke oo dhalasho ahaan ka soo jeeda
dalka Holland
oo ah khabiir ku takhasusay cilmiga xasharaadka
(entomologist) ayaa wuxuu u arkaa in jawaabta suu’aashaas qayb ahaani
noqonkarto ‘xasharaadka’ oo la cuno.
Waxaad markale u fiirsataa ‘ayaxa’
waxaad u arkikartaa ‘shirmpska
(qoqob) berriga. waa cunto heersare ah oo dadku qiimaynkaraan. Marcel Dicke
isagoo ka hadlaayey shir ay yeesheen ururka TED oo khamiistii ka dhacay
Magaalada Oxford ee cariga Ingriiska ayaa wuxuu ka hadlay in xasharaadka la
cuno oo uu yidhi waxay u kala baxaan 6 malyuun oo nooc, waxayna ka koobanyihiin
100kii 80tan xawayaanka aduunka ku noool. Wuxuu dadkii dhegeysanayey ku yidhi:
‘kuma noolin aduunkii binni-aadanka ee waxaan joognaa aduunkii xasharaadka.’
Isagoo doonayey inuu muujiyo in aduunka aan ku noolahay xasharaadku ugu
badanyahay.
Wuxuu kale oo uu sheegay in wakhtigan xaadirka
ee aan joogno in 5tii qofba 4 kamid
ahi ay hadda si ulakac ah u cunaan xasharaadka.
Waxa lagu cunaa China iyo
howdkabari ee qaarada Asia, waxaana
xasharaadkaa lagu tilmaamaa laguna qiimeeyaa inay tahay cunto delicacy-ga ah.
Mr. Marcel Dicke wuxuu soo bandhigay sawiro muujinaya isaga oo magaalada
Lijiang ee ku taal Shiinaha uu jooga oo uu cunayo ‘dirindiir, ayax iyo shinidu inta aanay dilaacin ee ay
dirxiga oo kale tahay.
Waxa kale
oo uu Marcel Dicke sheegay in dadka
inteena kale aynu si aan ula kac ahayn u cuno xasharaadka. Wuxuu muujiyey in metelan wadanka Maraykanka xasharaad badan loo ogolyahay in lagu daro cunta. Tusaale
ahaan: -
Shokolaatada waxa loo ogolyahay 100kii grams ay 60 qaybood (waxood) oo xasharaad ah in lagu dari karo;
peanut butterka 100grams waxaa loo ogolyahay illaa 30 qaybood (waxood) oo xasharaad kala
duwan ah;
sharaabka khudrada (fruit juice) waxa loo ogolyahay 5 beedka dukhsiga khudrada (fruitfly
eggs) iyo 1 illaa 2 dirxigiisa
ah inay ku jirikaraan 250milliliters ee sharaab ah.
Shirkaas
waxa uu ka sheegay ninkaas khabiirka ku ah xasharaadku in dadka xoolaha dhaqa
ay beerikarayaan oma soo-saarikaryaan lo’da
(beef) ay haatan koriyaan 9gaal jibaarkeed oo ayax ah (locus). Waxa uu leeyahay: ‘ Cuntadaasi waxay noqonaysaa
cunto markiiba diyaar ah waayo afafka aan wax siindoonaa kama
badna oo keliya afafka iminka jooga ee way ka qanisanaandoonaan oo waxay dalban
doonaan hilib faro badan. Horumarka oma
kor-u-qaadista xooluhuna waa wax xadidan. Waxa uu ku soo gebogebeeyey
hadalkiisii in waxa dadka reer galbeedku uga xaragoodaan oma u diidayaan inay
xasharaadka cunaan ay tahay wax maskaxiyan ah oo ah wax la bedelikaryo. Waxaanu
soo hordhigay oo uu ku casuumay Marcel Dicke ninkii dooda qaybinayey ahna ninka
madaxa ka ah TED qaybteeda Europe oo la
yidhaahdo Bruno Giussani xasharaad shokolaado
lagu daboolay oma dusha laga mariyey. Bruno inkastuu markii hore diidey oo uu
yidhi diet-baan ku jiraa haddana markiidambe wuu tijaabiyey, sidda wargeysku
soo qoray.
Bal waxa
haddaba aad iswaydiisaan arkhristayaalow, shokolaadada, sharaafba khudrada,
butter laga sameeyo lawska oo ah waxa yaalaha aynu ugu jecelnahay oo weliba si
xad-dhaaf ah aan ugu iibino caruurteena, haddii xasharaad ka buuxo, maxay tahay
sababta aan uga xaragoonayno neefkii aan soo qalanay hilibkiisa qaybo badan oo
ka mid ah?
Mohamed A.
Elmigeydh
(Mohamed-Bashe)
Fasiraad:
TED (Technology,
Entertainment and Design) oo ah urur aan faa’iido doon
ahayn una qaabilsan afkaarta u-qalanta in la faafiyo.
Comments
Post a Comment