Posts

Showing posts from March, 2011

Waxay dawladdaha Jiiraanku uga maaggayaan ictiraafista Somaliland

Image
Posted on March 2, 2011 by afkaarta Waxa horta u baahan in lays waydiiyo sababta aan illaa iminka u la’nahay ictiraaf aan ka helno dawladdaha jiiraanka. Waxaad is-odhanlahayd Itoobiya iyo Kenya oo ah laba dal oo dhul-somaliyeed gacanta ku hayya, kana cabsiqaba waxa la yidhaahddo Somaliweyn, inay noqon lahaayeen labadda dal ee igu horeeya ee ictiraaffa Somaliland. Laakiin, labaatankii sannadood ee u dambeeyey taasi may dhicin. Waxaad kale ood is-odhanlayd Djibouti oo aan iska xigsano Somalida kale, danno-badanina inaga dhexeeyaan way ictiraafi lahayd Somaliland. Iyana illaa iminka arrinkaas kumay dhiiran. Waxa kale ood xusuusataa Eritrea oo lafteeda muddo dhan gumaysi kusoo jirtey, siyaasadda somalidda awgeedna urur gobleedka IGAD looga eryey . Waxaad iyana ka filan lahayd inay Somaliland ictiraaf maadaame Somaliya, Ethiopia iyo Djibouti ka wada simanyihiin cadaawadda ay Eritrea u hayaan. Iyana illaa iminka talaabadaas kumay dhaqaaqin. Waayo?  Waa maxay sabab...