Waxay dawladdaha Jiiraanku uga maaggayaan ictiraafista Somaliland
Waxa horta u baahan in lays waydiiyo sababta aan illaa
iminka u la’nahay ictiraaf aan ka helno dawladdaha jiiraanka. Waxaad
is-odhanlahayd Itoobiya iyo Kenya oo ah laba dal oo dhul-somaliyeed
gacanta ku hayya, kana cabsiqaba waxa la yidhaahddo Somaliweyn, inay noqon
lahaayeen labadda dal ee igu horeeya ee ictiraaffa Somaliland.
Laakiin, labaatankii sannadood ee u dambeeyey taasi may dhicin. Waxaad kale ood is-odhanlayd Djibouti oo aan iska xigsano Somalida kale, danno-badanina inaga dhexeeyaan way ictiraafi lahayd Somaliland. Iyana illaa iminka arrinkaas kumay dhiiran. Waxa kale ood xusuusataa Eritrea oo lafteeda muddo dhan gumaysi kusoo jirtey, siyaasadda somalidda awgeedna urur gobleedka IGAD looga eryey . Waxaad iyana ka filan lahayd inay Somaliland ictiraaf maadaame Somaliya, Ethiopia iyo Djibouti ka wada simanyihiin cadaawadda ay Eritrea u hayaan. Iyana illaa iminka talaabadaas kumay dhaqaaqin. Waayo? Waa maxay sababtu?
Haddaba, bal aan isku dayyo inaan
iftiimiyo waxyaabaha gundhigga u ah ka-maaggista illaa iminka ay wadamadaas oo
dhami uga gaabsadeen ictiraafka Somaliland.
Ethiopia: Waa
run oo Ethiopia ma jecla dawlad weyn oo Soomaaliyeed oo garabka ku haysa.
Waanay ogtahay in goor ay noqotaba dhulka Somaliyeed ee ay gacanta ku hayso
lagula gorgortamidoonno. Maslaxadeedduna waxay ku jirtaa kuna haboontahay inay
Somaliland ictiraafto, si ay uga hortagto duullaan iyo dagaallo horleh oo kaga
yimaadda dawlad xoogweyn oo Somaliyeed. Maxay haddaba u ictiraaf la’dahay
Somaliland, si ay uga gaashaamato aafadii 1977kii soo martay oo kale? Jawaabtu waa wax fudud.
Ictiraafka Somaliland waa Kaadh
jeebka ugu jira ooy marba ugu hanjebto kulana gorgortanto xukuumadda
Fedaraaliga ah ee Somaliyeed iyo maamul-goboleedka Puntland. Waxay kaadhkan
jeebka ugu hayasataa inay haddaba ku khuukhiso Somalidda kale si ay dannaheeda
uga gaadho. Dannahaas oo ah inay Somaliddu iska dhawr-raan siyaasad iyo haddal
u muuqankarra innuu dhiirigelinayo soona nooleynkarro wixii la odhanjirey
‘SomaliWeyn.’ Ujeedda labaad waxa weeye, damac kagajira inay Somalida wixii la
odhanjirey “qaybi oo xukun” kula dhaqanto. Waxaad arkaysaa inay dawlad
goboleedyo yaryar oo midwalba iyadu soo hubaysay, mid walbana ugu balqaaday
inay barbartaagantahay haddii la soo weeraro dhulkii ka dhaqangelisey. Waxaanay
Ethiopia ogaatey in Somalidu iyagoo isneceb, ogoleyna inay wax iskudarsadaan
haddana ay kawada simanyihiin ka soo horjeedista ictiraafka Somaliland.
Abdillahi Yusuf iyo xulufadiisuna waxay ahaayeen kuwii
ugu horeeyey ee ka yeelay Ethiopiaanka inay ka tanaasulaan “Somaliweyn”.
Abdillahi Yusuf iyo xulufadiisu (warlordskii) waxay Ethiopia iyaguna ka
codsadeen laba shay oo kala ah: Inay isku garabtaagto siddii ay mansab muuqda
uga helilahaayeen shirarkii dub-u-heshiinta Somalida iyo in Ethiopia aanay
ictiraafin Somaliland. Itoobiyana siddaad ogtihiinba way oofisey balamadaas oo
– ugu horeyn waxay qabqablayaashaas ku taageertay, bulshadda caalamka ee
arrimaha Somaliya danneysana ka dhaadhicisay, in Somalida Dawlad Federaal ah
loo sameeyo. Waxay kale oo Itoobiya taageero balaadhan isla barbartaagay
Cabdillahi Yusuf iyo intay isku fikirka ahaayeen iyadoo sir iyo caadba ka
hawlgashay siddii loo diciifinlahaa lugtana loo jiidilahaa dawladdii TFG ahayd
ee Abdiqasim Salaad Hassan iyo sidday hogaanka sare ee DFKG ah ee imbegati lagu
dhisayey uu ugu guulaysanlahaa Cabdillahi Yusuf oo ahaa nin Itoobiya aad ugu
dhawaa, ictiraafka Somaliland aad uga soo horjeedey.
Markaa, Itoobiya intay xeedhadda Somaliya gacanta kula
jirto, lagama yaabo inay Somaliland ictiraafto. Sidday hadda waxyihiinna
Itoobiya faa’iido weyn ayaa igu jirta inay “khaadhka Ictiraafka
Somaliland” jeebka udayso. Waayo? Wuxuu kaadhkaasi keenay inay xattaa
burburto jabhadii ONLF ee Itoobiya ladagaalamijirtey. Burburkeedana
waxa keenay siyaasaddii Cabdillahi Yusuf iyo Warlords-kii kale ay kula
walaaloobey Itoobiyaanka oo ay iyagu ka door-biddeen Ictiraaf Itoobiya
siiso Somaliland.
Markii dambena waxaabay noqotay in Somaliddii oo dhami kala hororsadeen, una kala dheereysay Itoobiyaankii, taas oo keentay in ONLF 'geed' iyo 'gabbood' ay gasho ka weydey maamuladdii Somalida. Talaabaddaa madaxda maamuladda Somalidu qaadeen waxay dedejisey burburkii ONLF. Puntland oo aynu wada ognahay sidda qabyaaladda iyo isirnimadda u taageerto ayaa bilowday inay dad aan Somalida iyo dembigelin ka gelin intay qabqabato Itoobiya u gacan-gelinjirtey, iyadoo ku tilmaami-jirtey inay dadkaasi ONLF ka tirsanyihiin.
Guusha
intaa le’egna waxay Itoobiya ku mutaysatay waa “Kaadhka
Ictiraafka Somaliland ee Itoobiya jeebka ku haysato” ee ay marba il-qoodha
ka tusaysey madaxdii Somaliya soo martay.
Sidda keliya ee Itoobiya Somaliland ku
ictiraafikartaana waxa weeye iyadoo dannaheedda ka weyda Dawladda Federaalka ah
ee Somaliyeed, oma Alshabaab iyo Islaamiyiintu qabsadaan Somaliya. Hadaladda
isburinya ee Itoobiya waxaa ugu dambeeyey Wasiirka khaarajiga ee Itoobiya waraysigii
uu bixiyey ee uu ku sheegay inay haboontahay in Puntland iyo Somaliland laga
qaybgeliyo distoorka cusub ee loo dhisi-doono Dawladda Federaalka ee
Somaliyeed. Hadalkaasina wuxuu tilmaan cad u yahay in Itoobiya
aanay ku dhiiranayn inay Somaliland ictiraafto.
Kenya: Sidda aan
anigu is leeyahay Kenya ayaa ugu dhow dal aynu jaar nahay oo ina ictiraaffa.
Laakiin, wakhtigan xaadirka ah lagama yaabo inay ictiraaf inoo fidiso. Waayo,
waxay taasi kala dillaysaa madaxda somaliyeed ee iminka Kenya hooyga u tahay.
Kenya waxay ka midtahay wadamadda aadka uga faa’iiday burburka ku yimi
Somalida. Kobocweyn oo xagga dhaqaalaha ah ayay ka dhaxashay Somalida ku soo
baro-kacday ee dalkooddii burburay. Waxaanay sal u noqotay hay’addo badan oo ka
hawlgalla Somaliya. Waana Masraxa igu mihiimsan ee dawladdaha danneeya Somaliya
shirarka iyo wada-xaajoodka ku ugu qabtaan Somalidda kala irdhowdey, halkaas oy
lacag farabadanna ku kharashgareeyaan. Waxay kale ooy curyaaminaysaa dawladdii
wadankooda lagu soo dhisay. Kenya waxay iigu muuqataa in maslaxadda ay Somalida
ka leedahay tahay mid wakhtigeedu gaabanyahay - waa haddii Somaliya lugaheedda
isku-taagto oo laga maarmo marti-gelinta iyo gaboodda Kenya Somalida u noqotay.
Markaas oo keliya ayaa ictiraaf Kenya laga hellaa iman-karaa.
Djibouti: Djibouti
dhawr arrin ayaa ka hortaagan inay Somaliland ictiraafto. Ta ugu horeysaa waxa
weeye, iyadoo Djibouti ka rajo qabta Somaliweyn. Dawladd weyn oo somaliyeedna
waxay duggaal uga noqonlahayd haddidaad iyo dagaal mar'uun kaga yimmaadda
dhinaca Itoobiya iyo Eritrea. Qodobka labaad ee Djibouti ka hortaan ictiraafka
Somaliland waxa weeye, iyadoo Djibouti marxaladda iminka Somaliddu ku jirto u
aragta mid iyadda faa’iido ugu jirto.
Waxaad eegtaa oo keliya Dawladdaha Ciidamadoodda Baddu Saldhigyadda ka kiraysanayaan Djibouti. Somaliland oo ictiraaf hadda heshaa waxay wiiqaysaa dakhliga xagga dhaqaalaha ee Djibouti soo gala – dakhligaas oo uu sabab u yahay burburka, dagaaladda ka jira Somaliya iyo ictiraaf la’aanta Somaliland. Waxay kale uu wiiqayaa Somaliland oo Ictiraaf heshaa odaynimadda uu Ismail Cumar Geelleku ka dhaxlay burburka Somalia. Qodobka kale ee muhiimka ahi waxa weeye lacagtii adkayd ee Koonfurta Somaliya iyo tii Somalilandba waxay kusii qulqulayaan Djibouti oo aynu u argno dal iyo dad somaliyeed.
Nabadgelyo iyo dawlad muctarif ahina kajirto oo hantideenu ku badbaadayso – Dahabshiil xattaa bangigiisii ugu weynaa ayaad ogtihiin inuu xattaa Djibouti ka furtay. Qodobka ugu dambeeya ee aan doonayo inaan taabto oo muhiim u ah sababta Djibouti aanay Somaliland u ictiraafayn waxa weeye dillaalnimadda Ismail Omer Geele ka helay taffarraaruqa Somalidda; tiqqadda iyo mansabka uu Ismail u kordhay ee uu Somalidda iyo Caalamka kaleba ka helay. Sidii aan hore u sheegay wuxuu noqday Oday somaliyeed oo cidwaliba soo doonato lana arrinsato. Madaxdii Somalidda iyo kuwii Somaliland soo maray waxay dhammaantood ku faanaan sedna ka dhigtaan qadiifadda cas ee Djibouti u dhigto markay halkaa ka soo degaan. Haddii Somaliland Ictriaaf hesho tiqadaasi iyo muhimaddaas Djibouti ma yeelan-doonto.
Eritrea: Eritrea
mid ayay Djibouti la waddaagtaa. Somaliweyn soo noolaata ooy gacan-saar la
yeelato, Itoobiyana ka gaashaanbuuraysato ayay rajaynaysaa. Kamay quusan
Maxaakiimtii iyo kuwa magaca bedeshey ee hadda la baxay Alshabaab inay Somaliya
gacanta ku dhigaan. Ta kale ee aannay Somaliland u ictiraafayn waxa weeye,
iyadda ayaa taageeradda ugu weyn siisa xoogga mucaaridka ah ee ka dagaallamaya
Somaliya. Somalilandna way ka gaabisay inay saaxiibtinnimo u muujiso Eritrea oo
xattaa Riyaale waa kii Djibouti is-barbartaagay wakhtigii dagaalku dhexmaray
Eritrea iyo Djibouti. Waanay fiicnaanlahayd haddii berigaas Somaliland door
dhexdhexaadnimo iyo nabad-doonimo ah qaadan-lahayd. Somalidu waxay maahmaahda:
“meeshaad 'nin' ka qaadatidba 'ninkale' ayaad kaga tagtaa”.
Gunaanad:
Ictiraafku waa waxa ugu muhiimsan maaha ee ummaddi
gaadho. Dawladdo badan ayaa jira oo aan ictiraaf haysan haddana horumar
gaadhey. Qaar badan ayaa jira oo ictiraaf haysta haddana dhulka yaal oo
dadkooddii weli qaawanyihiin. Waxa aynu u baahannahay inaynu laba shay
ihtimaamka siino. 1) Suggidda nabadgelyada dalka gudo iyo debedba.
Waa in dawladda iyo dadkuba iska kaashadaan suggidda nabadgelyadda. Haddii aan
ciidan adag oo dalka cadawga debedda iyo ka gudahaba ka difaacaa jirin dalna ma
jirayo.
2) Kobcinta dhaqaalaha, waa shayga labaad ee ugu
uhiimsan. Ictiraafka intaan la gaadhin dadku waxay ku noolaadaan ayay u
baahanyihiin. Calool gaajoonaysaana nabadgelyo iyo ictiraaftoona macno
umma samaynayo – waad aragteen dadkii reer Masar ee ictiraafka iyo
dawladnimadaba haystey markay gaajoodeen inay gadoodeen oo dawladdii rideen.
Haddii khalkhalka noocaas oo kale Somaliland soo galo dalku wuu burburayaa,
ictiraafna ma jiri-doono.
Mohamed-Bashe
Ottawa, Canada
moelmigeydh@hotmail.com
Comments
Post a Comment