Ergedda Beelaha HY ee Buurta Daallo ku Shirayaa waxaan usoo jeedinayaa inay Cambaareeyaan Xukunkii Dilka ahaa ee Maxkamadda Military-ga ahi ku Riddey Qaar ka mid ah Shacabka reer Somaliland
Marka hore waxaan halkan tacsi uga dirayaa eheladii iyo asxaabtii ay ka geeriyoodeen askartii iyo shicibkii dagaalkaas ku nafwaayey. Waxaanan leeyahay Ilaahay inta dhimatay naxariistii Jano ha ka waraabiyo, kuway ka tageena samir iyo iimaan ha ka siiyo. Waxaan muran lahayn in falkaasi ahaa mid foolxun oon hadda wakhtigan ay Somaliland ku jirto aan la filayn inuu dhulkeena ka dhaco. Waxaana loo baahanyahay dadku inay bartaan in dagaal burbur iyo dhimasho mooyaanee aan wax kale laga dhaxlin, kuna haboonyahay inuu Dagaal noqodo talaabada ugu dambaysa ee xal lagu raadiyo. Dawladdana waxa la gudboon inay dadka u sinaato kuna dhiirigeliso shacbigeedda inay wixii muran ah u marraan maxkamadaha dalka. Maxkamadahana waa in xaqsoor iyo cadaalad looga bartaa si dadku ugu soo hirtaan, cabashooyinkoodana ula hor tagaan. Haddayse maxkamaduhu noqodaan hoyga dhulmiga iyo wax-is-weydaarinta waxa lumaysa kalsoonidii iyo aaminkii lagu qabilahaa maxkamadaha. Taasina waxay keenaysa in dawladnimadii iyo kal...