Ergedda Beelaha HY ee Buurta Daallo ku Shirayaa waxaan usoo jeedinayaa inay Cambaareeyaan Xukunkii Dilka ahaa ee Maxkamadda Military-ga ahi ku Riddey Qaar ka mid ah Shacabka reer Somaliland
Marka hore waxaan halkan tacsi uga dirayaa eheladii iyo asxaabtii ay ka geeriyoodeen askartii iyo shicibkii dagaalkaas ku nafwaayey. Waxaanan leeyahay Ilaahay inta dhimatay naxariistii Jano ha ka waraabiyo, kuway ka tageena samir iyo iimaan ha ka siiyo. Waxaan muran lahayn in falkaasi ahaa mid foolxun oon hadda wakhtigan ay Somaliland ku jirto aan la filayn inuu dhulkeena ka dhaco. Waxaana loo baahanyahay dadku inay bartaan in dagaal burbur iyo dhimasho mooyaanee aan wax kale laga dhaxlin, kuna haboonyahay inuu Dagaal noqodo talaabada ugu dambaysa ee xal lagu raadiyo. Dawladdana waxa la gudboon inay dadka u sinaato kuna dhiirigeliso shacbigeedda inay wixii muran ah u marraan maxkamadaha dalka. Maxkamadahana waa in xaqsoor iyo cadaalad looga bartaa si dadku ugu soo hirtaan, cabashooyinkoodana ula hor tagaan. Haddayse maxkamaduhu noqodaan hoyga dhulmiga iyo wax-is-weydaarinta waxa lumaysa kalsoonidii iyo aaminkii lagu qabilahaa maxkamadaha. Taasina waxay keenaysa in dawladnimadii iyo kala dambeyntii mujtamaca la waayo.
Haddiise aan u soo gondadego dulucda qoraalkaygan waxaa muhiim ah in Sharciga dadku u sinaadaan. Wax badan waxaan argnay dabley hubaysan oo reer Somaliland ah oo saldigyadda Ciidamada Somaliland weerer ku soo qaada. Waxaan in badan aragnay ciidamada Somaliland oo weereradaas iska difaaca, maxaabiis farabadanna ku soo qabqabta. Maxaabiistaas inta baabuur xadka lagaga soo qaado ayaa loo soo gudbinjirey jeelasha kuyaal Burco, Berbera iyo Mandheera. Sidda aynu ka war hayno, maxaabiistaasi kumay raagi-jirin jeelasha Somaliland. Dawladihii kala dambeeyey ee Riyaale iyo Siilaanyo waxaynu uga baranay inay isla markiiba siidaayaan maxaabiistaa. Waxaana saamaxaadda u dheerayd maxaabiista in lacag‘jicsin’ ah oma sahay la sii siinjirey. Cajiib!! Hadda waxaan ka hadlayaa waa raggii dagaalka hubaysan ee dhimashada iyo dhaawacaba geystey, ayaa inta lacag lasiiyo, loona qudbadeeyo oo heesta “Waxaan nahay Walaalo, iskumid ayaa nahay” loo qaado, la siideynjirey.
Ma xeryaha Ciidamada Somaliland ayaa kala faddilan mise shacabka reer Somaliland ee xerayaha ciidankoodda soo weeraraya ayaa kala dembi xun? Miyaanay ahayn in sharcigu dadka reer Somaliland isku si u qabto loona sinaado ciqaabtiisa iyo wanaaggiisaba?Mise dadka qaar ayaa la rabaa in si gaar ah loo xanuunjiyo?
Doodayda labadaad waxay ku saabsantahay dedefeynta dadka shacabka ah ee maxkamada military-ga ah la saaray. Aduunyada waxa u yaal oo dawladuhu cuskadaan xiliyada dagaalka waxa la yidhaahdo: “qawaaniinta dagaalka” “laws of war”, oo la soo assaasay taariikhdu markay ahayd 1625kii. Marxalado kala duwanna soo maray. Laakiin waxa ugu muhiimsannaa (Paris, Declaration of 1856) oo lagu soo gebogebeeyey Hague Conference (1899 iyo 1907) iyo Geneva Convention (1864, 1906, 1929 iyo 1949). Intaas oo jeer ayaa dawladdaha aduunku isugu yimaadeen shirar ay kaga hortegayeen dilalkii beni’aadamnimadda ka baxsanaa ee lagula kicijirey Maxaabiista ee Maxkamadaha Military-gu xukunka dilka ah ku ridijireen. Ugu dambeyntii wadankastaabana wuxuu saxiixay in ‘International Red Cross’-ka (Laanqayrta Cas ee Caalamka) ogolaansho loo siiyo booqashada, ka-warhaynta iyo u-doodista xuquuqda maxaabista dagaal ee iska-hor-imaad dagaal lagu qabto. Waxaad ogtihiin in Dawladda Maraykan (wakhtigii George W. Bush), markay maxaabiistii ay dagaaladii Ciraaq iyo Afqaanistaan ku qabqabatay ku-sheegeen in yihiin maxaabiis dagaal oo Maxkamado Military la-saarayaa, lagu khasbay inay Red Cross-ka u ogolaadaan inay soo booqato maxaabiista ku xidhnayd jeelka ku yaal gasiirada Guantanamo Bay. Waxa dawladdii Maraykanku meel ay ka dhaafto weydey ee xakamaha ku noqday waa sharcigaa Geneva Convention ee aan kor ku soo xusay.
Si qof maxkamad military loo saaro waa in dhawr shuruudood la hayyaa.Ugu horeyn waa inuu ka soo jeeddaa dawlad kale, goob dagaalna lagu qabtay. Waa inuu ahaadaa qofku ‘combatant’ oma dagaalyahay direys military xidhan, astaamihii ciidamadda lagu yaqaanna ka muuqdaan, qaab militaryna u dagaal gallay, derejo iyo kala dambayntii ciidannima u dhantahay. Haddii maxbuusku shuruudaha noocaas ah buuxiyo ayaa maxkamad ciidan la horkeenikaraa. Maxbuusku, isaguna, wuxuu xaq u yeelanayaa xuquuq badan. marka loo aqoonsado inuu yahay “maxbuus daqaal” (prisoner of war). Xuquuqdaas oo ay kamid tahay: inaan wax jidh-dil ah lagula kici-karin, in caafimaadkiisa la daryeelo, hadduu daawo oma dhakhtar u baahdo in la siiyo oma loo ogolaado, kiisa dhaawaca ahna in sidii qof caadiya loo daweeyo, in eheladiisii iyo dalkii uu ka soo jeedey ka war helaan maxbuusnimadiisa iyo halka lagu hayo, iwm. Isla markiibana waa in Laanqayrta Cas ee Aduunkana la-wargeliyaa marka maxbuus dagaal la qabto. Taas oo baadhitaan ku samaysa in maxbuusku helay xuquuqdiisii aasaasiga ahayd iyo in kale.
Waxa kaloo iyana jirta wakhtiyada “civil war-ka” oma dagaalka sokeeye – sidda dawladdii Siyaad Barre, dawladdo dadka ka soo horjeeda ee shicibkooda ka midka ah u adeegsada Maxkamadaha Militaryga. Aduunkuse wuxuu u argtaa dawladdaha falka noocaas ah ku dhaqma inay yihiin qaar ku xadgudbaya meel-ka-dhacna u geysanaya xuquuqda muwaadiniintoodda dawladda caasiday iyo qawaaniinta dagaal ee Aduunku isla qaatayba. Siddaas darteed, qof muwaadin ahi dalkiisa kama noqon karo maxbuus dagaal, maxkamad ciidanna waxa la saarikaraa oo keliya hadduu markiisiihoreba ciidamada ka tirsanaa, Waxa haddaba is-weydiin leh, waxa qaar ka mid ah shacabka Somaliland Maxkamada Ciidanka loo saaray ee weliba dilka loogu xukumay?
Waxaan anigu u arkaa arrin aad u foolxun inuu tahay in dawladda Siilaanyo dadka reer Somaliland kula dhiirato inay soo xusuusiso Maxkamadihii Military-ga ahaa ee dawladdii Siyaad Barre. Waxaan rumaysanahay in Maxkamadaha noocaas ah ee inta Saraakiil Ciidan qol soo xidhaan ay qof shicib ah xukun dil ah ku ridayaan ay ka mid yihiin calaamadaha diktaatooriyiinta lagu garto.
Beelaha HY ee wakhtigan ku shiraya Buurta Daallona waxaan xusuusinayaa inay Dawladda Somaliland shareholders ka yihiin oma saami muhiim ah ku leeyihiin Dawladda. Siddaas darteed waxa waajib ka saaranayahay xuquuqdoodda iyo ta Gobolada iyo Deegaanadda ay ku noolyihiin ay ka dalbadaan kana raadsadaan dawladda. Waa inay is-weydiiyaan cashuuraadka laga qaado ee Gobolladoodda iyo Degmooyinkoodda ka soo baxda waxa lagu qabto iyo halkay gasho lacagtaasi. Waxaanan u soo jeedinayaa:
Waxaan qoraalkaygan ku soo khatimayaa digniin aan jecelahay iyadana madaxda Somaliland ee xiligan u soo jeediyo. Taas oo ah: Somaliland nidaam dawladeed ayaa ka jira oo beelaha Somaliland isku raaceen inay qaataan iskuna dhaqaan. Nidaamakaa dawladeed ee Somaliland waa mid u dhexeeya, ay una simanyihiin qabaa’ilka reer Somaliland ee dawlad-wadaagta ahi. Welise aduunweynuhu ‘tixgelin’ mooyaane “ictiraaf dawladnimo” Somaliland muu siin. Taas macnaheedu waxa weeye: Shakhsiyaadka hadba xukunka Somaliland gacanta ku hayaa – iyaga iyo hantidooduba – hadhawto way u qaamoobayaan una xidhmayaan wixii khasaare ah (mood iyo noolba) oma dembiya eey dalka ka galaan intay taladiisa hayaan. Waxa kale oon taas ku darayaa, in madaxda Somaliland “ixsaaniyad” oma “diplomatic immunity” aanay ka haysan dawladdaha kale ee caalamka. Iyadoo weliba madaxda Somaliland badankoodu sitaan jinsayado ajenibi ah oma ‘baasaabooro dalal kale laga leeyahay (Foreign Passports).
Waxa arrimahaa aan soo xusay oo dhami hawl-yaraynayaan in maxkamadaha kuyaal Europe iyo Caalamka kale, eey baasaabooradoodda sitaan nimankaa madaxda Somaliland ka ahi, lagaga soo oogi karro dacwado ka dhan ah (criminal and civil lawsuits) – haddii ay xasuuqa noocaas ah ka geystaan dalka. Waayo sidii ay dacwadii Mohamed Ali Samatar muujisay, aduunka hore-u-maray kama shaqayso dalkayga ayaan difaacayey iyo amar laysiiyey ayaan fulinayey-toona. Waxaan haddaba uga digayaa Madaxda Somaliland ee xiligan inay ku adkeystaan xukunkaa ku-tagrifalka awoodeed iyo dhulmigu ku salaysan ee weliba qaar ka mid ah madaxda Somaliland ku andacoonayaan inuu waafaqsanyahay sharciga dalka uyaal.
Mohamed Abdillahi Elmigeydh
(Mohamed-Bashe)
moelmigeydh@hotmail.com

- Ma waxay dawladdu Somaliland ku andacoonaysaa inay nimankani yihiin ciidan dagaal dal kale lala galay lagu soo qabqabtay?
- Mise waxay leedahay Somaliland ayaa wakhtigan dagaal sokeeye ka jira oo habkii dawladii Siyaad Barre ayaan ula dhaqmaynaa wixii naga soo horjeesta?
Waxaan anigu u arkaa arrin aad u foolxun inuu tahay in dawladda Siilaanyo dadka reer Somaliland kula dhiirato inay soo xusuusiso Maxkamadihii Military-ga ahaa ee dawladdii Siyaad Barre. Waxaan rumaysanahay in Maxkamadaha noocaas ah ee inta Saraakiil Ciidan qol soo xidhaan ay qof shicib ah xukun dil ah ku ridayaan ay ka mid yihiin calaamadaha diktaatooriyiinta lagu garto.
Beelaha HY ee wakhtigan ku shiraya Buurta Daallona waxaan xusuusinayaa inay Dawladda Somaliland shareholders ka yihiin oma saami muhiim ah ku leeyihiin Dawladda. Siddaas darteed waxa waajib ka saaranayahay xuquuqdoodda iyo ta Gobolada iyo Deegaanadda ay ku noolyihiin ay ka dalbadaan kana raadsadaan dawladda. Waa inay is-weydiiyaan cashuuraadka laga qaado ee Gobolladoodda iyo Degmooyinkoodda ka soo baxda waxa lagu qabto iyo halkay gasho lacagtaasi. Waxaanan u soo jeedinayaa:
- Inay cambaareeyaan xukunkaas dilka ah ee aan kor ku soo xusay, meel cadna iska taagaan, dawladdana ka dalbadaan sixitaanka xukunkaa dulmiga ah.
- Inay meel cad iska taaggaan ku tagrifalka awoodeeed iyo lunsiga hantidda shacbiga ee sidda guracan loo isticmaalayo.
- Mashaariicda sifaha aan sharciga waafaqsanayn iyo dikreetooyinka lagu meel marinayo waa in laga hadlaa dawladdana laga dalbadaa sixitaankoodda.
- Waa in la xoojiyaa in baayac-mushtarku xor yahay loona simanyahay.
- Shaqooyinnka iyo mashaariicda kale ee dawladdu bixiso-na waa in si siman Gololadda dalka loogu qaybiyaa.
- Waa in dawladda lagula xisaabtamaa lana ogaadaa dhaliga dalka soo gala iyo waxa lagu qabto ee lacagtaasi ku baxdo.
- Shaqaalaha dawladda ka mushahaaro qaata iyo Wasaaradaha waa inaad dalbataan in Goboladda iyo Degmooyinka dalka loo qaybiyo,
- si gobol waliba dawladda dheef uga helo, dhaqaalaha Goboladdana iyo Degmooyinka loo kobciyo.
- Xadhiga iyo Tahdiidka Wax-Garadka, Salaadiinta, Boqorradda iyo Saxaafada Dalka loo geystana waa inaad muujisaan inaydaan
- raali ka ahayn, xoriyatul-qawlkana in la ixitiraamaa waajib yahay dadka iyo dawladdaba saaran.
- Kuwa Siyaasadda iyo shakhsiyaadka gaar ah u xidhan, sidda Boqor Buurmadaw, waa inaad siidayntoodda dalabtaan, waayo ceebta Somaliland sarani, HY-na way saarantahay. Haddaad ka aamustaan dulmiga Qof reer Somaliland ah loo geysto, waxay ka dhigantahay inaad raali ka tihiin tacadiga iyo dulmiga qofkaa loo geystey.
Waxaan qoraalkaygan ku soo khatimayaa digniin aan jecelahay iyadana madaxda Somaliland ee xiligan u soo jeediyo. Taas oo ah: Somaliland nidaam dawladeed ayaa ka jira oo beelaha Somaliland isku raaceen inay qaataan iskuna dhaqaan. Nidaamakaa dawladeed ee Somaliland waa mid u dhexeeya, ay una simanyihiin qabaa’ilka reer Somaliland ee dawlad-wadaagta ahi. Welise aduunweynuhu ‘tixgelin’ mooyaane “ictiraaf dawladnimo” Somaliland muu siin. Taas macnaheedu waxa weeye: Shakhsiyaadka hadba xukunka Somaliland gacanta ku hayaa – iyaga iyo hantidooduba – hadhawto way u qaamoobayaan una xidhmayaan wixii khasaare ah (mood iyo noolba) oma dembiya eey dalka ka galaan intay taladiisa hayaan. Waxa kale oon taas ku darayaa, in madaxda Somaliland “ixsaaniyad” oma “diplomatic immunity” aanay ka haysan dawladdaha kale ee caalamka. Iyadoo weliba madaxda Somaliland badankoodu sitaan jinsayado ajenibi ah oma ‘baasaabooro dalal kale laga leeyahay (Foreign Passports).
Waxa arrimahaa aan soo xusay oo dhami hawl-yaraynayaan in maxkamadaha kuyaal Europe iyo Caalamka kale, eey baasaabooradoodda sitaan nimankaa madaxda Somaliland ka ahi, lagaga soo oogi karro dacwado ka dhan ah (criminal and civil lawsuits) – haddii ay xasuuqa noocaas ah ka geystaan dalka. Waayo sidii ay dacwadii Mohamed Ali Samatar muujisay, aduunka hore-u-maray kama shaqayso dalkayga ayaan difaacayey iyo amar laysiiyey ayaan fulinayey-toona. Waxaan haddaba uga digayaa Madaxda Somaliland ee xiligan inay ku adkeystaan xukunkaa ku-tagrifalka awoodeed iyo dhulmigu ku salaysan ee weliba qaar ka mid ah madaxda Somaliland ku andacoonayaan inuu waafaqsanyahay sharciga dalka uyaal.
Mohamed Abdillahi Elmigeydh
(Mohamed-Bashe)
moelmigeydh@hotmail.com
Comments
Post a Comment