Posts

Showing posts from August, 2012

Dib-u-soo-Celinta Ciidamada Somaliland waa Siyaasad Qaladan, mana aha talaabo nabadgelyo ka dhalinaysa deegaankaas.

Dawladihii kala-dambeeyey ee Somaliland iyo Shacabkuba waxay ku dedaaleen iskuna dayeen inay nabad waarta ka dhaliyaan Degmadda Boohoodle iyo nawaaxigeedda. Halkaas oo sidaan wada ognahay colaa’di in badan ka taagnayd, dhimasho iyo khasaaro badanina ka soo gaadheen dadka walaalaha ah ee dalka iyo deegaanku ka dhaxeeyo. Dedaaladii kala dambeeyey ee xukuumad iyo shacabba reer Somaliland ku raadinayeen nabadaynta deegaanka waxay kala kulmeen hun’gow, hagardaamo iyo daba-martayn joogta ah oo ka imanaysey dhinaca nabad-diidka ah. Dhibkaasina wuxuu hoos u dhigay hammigii laga qabay in degmadda Buuhoodle iyo tuulooyinka hoos yimaadda si silmiya loogu soo duduuco Somaliland. Waayo nabad dhinac keliyi doonayaa gundhig ma yeelato. Arrinku si kastaba ha ahaadee, wuxuu iigu muuqata in Dawladda Siilaanyo xil iska saartay inay heshiis la-gaadho qayb ka mid ah Beesha Dhulbahante oo si joogto ah u diidanayd Somalilandnimadda. Hasayeeshee fashil siyaasadeed iyo weji-gabax ayuunbay kala kulantay ee g...