Dib-u-soo-Celinta Ciidamada Somaliland waa Siyaasad Qaladan, mana aha talaabo nabadgelyo ka dhalinaysa deegaankaas.


Dawladihii kala-dambeeyey ee Somaliland iyo Shacabkuba waxay ku dedaaleen iskuna dayeen inay nabad waarta ka dhaliyaan Degmadda Boohoodle iyo nawaaxigeedda. Halkaas oo sidaan wada ognahay colaa’di in badan ka taagnayd, dhimasho iyo khasaaro badanina ka soo gaadheen dadka walaalaha ah ee dalka iyo deegaanku ka dhaxeeyo. Dedaaladii kala dambeeyey ee xukuumad iyo shacabba reer Somaliland ku raadinayeen nabadaynta deegaanka waxay kala kulmeen hun’gow, hagardaamo iyo daba-martayn joogta ah oo ka imanaysey dhinaca nabad-diidka ah. Dhibkaasina wuxuu hoos u dhigay hammigii laga qabay in degmadda Buuhoodle iyo tuulooyinka hoos yimaadda si silmiya loogu soo duduuco Somaliland. Waayo nabad dhinac keliyi doonayaa gundhig ma yeelato.

Arrinku si kastaba ha ahaadee, wuxuu iigu muuqata in Dawladda Siilaanyo xil iska saartay inay heshiis la-gaadho qayb ka mid ah Beesha Dhulbahante oo si joogto ah u diidanayd Somalilandnimadda. Hasayeeshee fashil siyaasadeed iyo weji-gabax ayuunbay kala kulantay ee guul la taabankaro kamaysoo hoyn. Waxaan wada ognahay in Dawladda Mr. Siilaanyo iyo Xisbigiisa Kulmiye  hogaaminayaan ee Somaliland kharash badan ku bixisay hirgelintii Shirkii Taleex. Siddaad ka war haysaan, waxay Dawladda Somaliland aqbashay in Shirkaasi ka dhaco dhulka Somaliland gudihiisa iyadoo lawada arkayey in rag aan Somaliland ogolayni meesha gadhwadeen ka ahaayeen. Xattaa ciidamo beeleedkii illaaladda ka hayey Shirka ee nabadgelyadda suggayey waxay si toos ah uga-mushahar qaadanayeen Dawladda Somaliland. Lacag badan oo cashuurtii dalka soo gashay ah ayaa lagu burburiyey Shirkii Taleex, iyadoo dawladdu rajaynaysey, dhegtana loo saaray,  in Dhulbahante la heshiisiinayo, mawqif midaysan oo Somaliland ogolna laysla qaadan doono. Wixii ka soo baxay iyo “Khaatumo-seegii” waxaan filayaa inaan isla wada ognahay.

Arrinkan maanta, ee ah, in Ciidamadda Somaliland laga soo raro meelahay degenaayeen wuxuu iila muuqdaa innuu yahay arrin marlabaad ay ku degdegtey dawladda Somaliland oo aanay ka fiiran cawaaqibkiisa dambe. Wuxuu dhabar jab ku yahay ciidamadii Somaliland ee naftooda u hurray difaaca dalkooda iyo agoomahay ka tageen oo iminka u-arkikara in aabayaashood “geeri iyo magla’aan” u dhinteen; wuxuu meel-ka-dhac ku yahay midnimadda Somaliland. Waayo, wuxuu heshiiskaasi muujinayaa in deegaanadda Ciidamadda laga soo raray yihiin dhul aan Somaliland ka arrimin; waxay niyad-jab ku tahay Beesha Dhulbahante inteedii Somalilandnimadda rumaysnayd ee intaaso sanadood u soo kifaaxaysey inay Beesha inteeda kale ka dhaadhiciyaan in danta reerku Somaliland ku jirto ee aanay meelkale ool.

Waxayse xaqiiqada dhabta ee arrinkan keliftey u egtahay inuu ka dhashay siyaasad shakhsiyadeed oo Mr. Siilaanyo kalahaa buunbuuninta mansabka bilaash-xaytanimo ee Xaglatoosiye oo maamulkii khaatumo-seegiiba meel ka waayey, isla markaana doonayey inuu hoos udhigo mansabka uu helikaro Mr. A. Khalif Galaydh. Laakiin nabadgelyada iyo jiritaanka Somaliland in khatar loo geliyo wax aan dalka iyo dadka-toona dani ugu jirin may-ahayn.

Waxaan kale oo siyaasad khaldan u arkaa oo dawladdii kala dambeeyey ee Somaliland ka sinaayeen. In ciidamo beeleedyo hubaysan oo dawladda ka mushahar qaata loo daayo deegaanada ay ka soo jeedaan.
  • Waa in laysku bedelaa ciidamada oo haddii askarigu uu qaramaysanyahay, mushaharna ka qaato dawladda, waa in loo bedelikaraa hadba halkii loo arko in danta dalku ku jirto.
  • Midkale ciidamada Militarygu waa inay ka hawlgalaan xuduudha Somaliland, ciidamada bilayskuna ahaadaan kuwa toolooyinka iyo magaalooyinka sugaya amaankoodda.
  • Jaah-wareerka lagu riday Ciidamadda Somaliland, ee marna hore loo sii wado marna dub loo soo wadaa, waa in meesha laga saaraa. Waayo niyad jab iyo hawl-gabnimo ayuu ku keenikaraa ciidamadda.
  • Derejooyinkii Ciidamadda ee Dawladdu ku balanqaaday waa in si dhakhso loo hirgeliyaa; beelaha Somalilandna waa inay si isu dheelitiran uga dhex muuqdaan ciidamadda kala duwan ee dalka iyo Saraakiishaba.
  • Dawladda Somaliland iyo Shacabkeeduba waa inay ka sii gaashaantaan una sii diyaar garoobaan in Somalia iyo Somaliland marlabaad dagaal sokeeyo ka dhex dilaacikaro. Muftaaxa nabadgeliyaduna waa cudud iyo xoog laga baqo inaad leedahay – waa haddaanay Somalilandnimadu Ku Meel Gaadh inaga ahayn.

Mohamed-Bashe Elmigeydh

moelmigeydh@hotmail.com


Comments

Popular posts from this blog

An appeal to the outside World

Sidda "Madaxweyne Siilaanyo" Sheegay Shidaal Sahamin Maaha ee SUN-baa Dhulka Lagu Aasayaa!