Sidda "Madaxweyne Siilaanyo" Sheegay Shidaal Sahamin Maaha ee SUN-baa Dhulka Lagu Aasayaa!

Akhristayaasha reer Somaliland gobolkasta oo aad joogaan waxaan idin xusuusinayaa kelmedihii runta ahaa ee shalay Madaxweyne Siilaanyo afkiisa ka soo baxay markuu mucaarid ahaa. Kelmedahaas oo sidda runtii ah aan anigu rumaysanahay inay ahaayeen qaar xaqiiqadda ku qotoma. Maanta oo Madaxweyne Siilaanyo yahay Madaxweynaha Somaliland kama yeelikarno wixii uu isagu shalay diidayey ee aan codka ku siinay. Dawladdan Siilaanyo waa dawlad sii socota oo wakhtigeeddii dhamaaday. Waa dawlad aan lexejeclo ka hayn inay xukunku ku soo noqoto. Waxa hogaaminaya dad khaladaadkii ay galeen awgood u arka in aanay mustaqabal ku lahayn ay ku sii joogaan Somaliland. Waa dawlad inta yar ee madaxda ka ahi dhamaantood sittaan baasaabooro ajaanib ah oo u sahlaya inay ku noqdaan dhulkii ay ka yimaadeen. Waayo haddii ay sii joogilahayeen Somaliland waxay ogyihiin dembiga ay dalka iyo dadka ka galeen oo waxay ka cabsiqabaan in dunuubtaa lagaga dambo yimaado cid kastaaba xukunka ha qabatee. Muse Biixi ma aamins...