Sidda "Madaxweyne Siilaanyo" Sheegay Shidaal Sahamin Maaha ee SUN-baa Dhulka Lagu Aasayaa!


Akhristayaasha reer Somaliland gobolkasta oo aad joogaan waxaan idin xusuusinayaa kelmedihii runta ahaa ee shalay Madaxweyne Siilaanyo afkiisa ka soo baxay markuu mucaarid ahaa. Kelmedahaas oo sidda runtii ah aan anigu rumaysanahay inay ahaayeen qaar xaqiiqadda ku qotoma. Maanta oo Madaxweyne Siilaanyo yahay Madaxweynaha Somaliland kama yeelikarno wixii uu isagu shalay diidayey ee aan codka ku siinay.

Dawladdan Siilaanyo waa dawlad sii socota oo wakhtigeeddii dhamaaday. Waa dawlad aan lexejeclo ka hayn inay xukunku ku soo noqoto. Waxa hogaaminaya dad khaladaadkii ay galeen awgood u arka in aanay mustaqabal ku lahayn ay ku sii joogaan Somaliland. Waa dawlad inta yar ee madaxda ka ahi dhamaantood sittaan baasaabooro ajaanib ah oo u sahlaya inay ku noqdaan dhulkii ay ka yimaadeen. Waayo haddii ay sii joogilahayeen Somaliland waxay ogyihiin dembiga ay dalka iyo dadka ka galeen oo waxay ka cabsiqabaan in dunuubtaa lagaga dambo yimaado cid kastaaba xukunka ha qabatee. Muse Biixi ma aaminsana in hadduu ku guulaysto doorashadda uu dhegaha ka furaysandoono xumaantii kooxda Siilaanyo dalka iyo dadka ka galeen. Ciro ma aaminsana siddoo kale inay ka badbaadikaraan dabogal lagu sameeyo xaditaankii iyo boobkii ay hantidda umadda u geysteen.

Siddaas darteed waxa keliya ee ay istuseen inay u banaantahay waa baxsi ay dalka ka yaacaan marka xukunku ka dhamaado. Maadaama, aanay wax rajo ah oo ugu laabani Somaliland jirin, waxay ku tashadeen inay - nin qoyani biyo iskama dhawree, boobaan wixii ay helikarayaan. Dekeddii Berbera, Saldhigii Berbera, hantidii ma-guuraanka ahayd ee dalka oo dhan markay xaraasheen, waxay iminka u soo dhigteen ciidii dhulka tiil, dhagxaantii iyo caruurta yaryarayd ee Somaliland inay shirkaddo u samaystaan caruurta "KELYAHOODDA" debedda u iibgeysa. Niman Qabiilkoodda iyo qabiil kale-toona u naxaya maaha. Waa casaabad maafiya ah oo calooshood u shaqaystayaal ah. Somalidu waxay tidhi: "Nimaan kuu tudhayn yaanu kuu talin", reer Somalilandow, ha kala xigsanina tuugtaas oo yay iska-kiin horkeenin - waa sidda ay iyaga ugu badinaysee!! Siddii dalka loogu soo halgamay ee Dulmigii Siyaad Barre looga gilgishey, Dulmiga iyo daalinnimadda Siilaanyo iyo kooxdan calooshood-u-shaqaystayaasha ahna waa in looga dhiidhiyaa. Deegaanadiina xooluhu idiin dhaaqayaan, ubadkiinu ku korayo, maata-diina hoyga iyo hantidda u ah yaan laydinka sumayn.

Daawadda taswiiraha caruur ku dhalatay deegaano la sumeeyey oo hadhaaga sunta 'uranium-ka' ee ciidamaddii Maraykanku iyo meelo badan oo kale lagu tijaabiyey, lagu aasay oma lagu daadiyey sababeen. Taswiirihii naxdinta badnaa waan ka daayey halkan si aad idinku u booqataan website-yadda hoos ku xusan.


Aduunyadda waxa bad-tay meel kastaba "wisikhdii oma hadhaagii Nucklear-ka" wersheddaha aduunka hore-umaray ka soo hadhayey. Waddan kastaa wuxuu raadinayaa meel aan cidilahayn oo ay suntaa lagu aasaan. Waxaad ogtihiin in xattaa baddaha guntoodda laga helay foostooyin lagu aasay. Taas oo sababtay waddamada hore-umaray badankooddu maanta ay illaaliyaan badahoodda si aan wisikhda (Nuclear Waste Materials) maraakiibta wadamadda kale ugu daadinin. Suntaasi hadday ku siqdo biyaha dhulka hoostiisa ku jira iyo Baadka xooluhu daaqayaan cawaaqib xumo weyn ayaa ka dhalankarta oo qarniyo qaadata inta dhulka ka bogsanayo suntaas.




Waxa intaa dheer, ood maqasheen in Dawladda Somaliya niman uu ka mid ahaa Cali Mahdi qandaraas Talyaaniga kaga soo qaateen sunta dhulka iyo Badaha Somaliya lagu aasayo. Deegaano badan oo xeebaha ah ayaa laga helay calaamado muujinaya sun lagu asaasay iyo cawaaqib-xummo ka dhalatay oo dadka iyo duunyaddii ku dhacday. Deegaanadda Bariga ee Gobolka Sool siddaa si le'eg ayaa dawladda Siilaanyo iyo dawladda Puntlad isugu dayeen inay sun ku aasaan. Wixii ka dhacay waad ogeydeen iyo siddii dadka deegaanku uga diideen. Dawladdan Siilaanyo maantana waxay rabtaa inay Gobolka Hawd, Gobolka Daadhmadheedh, Gobolka Togdheer iyo Gobolka Saraar ku aasto 'SUN-taa' Madaxweyne Siilaanyo videogan hoose uu inoogu cadaynayo in aanay macdan iyo shidaal toona jirin dawlad aan la ictiraafin loo soo saarayaa ee sun dhulka lagu aasayo. Deegaanadda Galbeed Somalilaand iyadana dhibaato weyn ayaa ka taagan. Somalidu waxay tidhaahdaa. "Beenaale markhaatigiisa ayuu fogeeyaa", bal ila dhegeysta Madaxweyne Axmed Siilaanyo iyo hadalkiisii uu suntaa dhulka lagu aasayo sharaxaadda kaga bixinayey:-




Somaliya iyo Somaliland waxay noqdeen meelaha madaxdooddu qandaraasyadda ku soo qaataan sun dhulka lagu aasayo iyadoo dadka loogu sheegayo macdan iyo shidaal laga baadhayo dhulkoodda. Waxaan u soo jeedinayaa madaxdhaqameedka, wax-garadka iyo qofkasta oo lexejeclo ka qaba deegaankiisa in aanu yeelin in sun loogu aaso deegaankiisa iyo dhul-dhaaqsimeedkiisa. Si kasta waa in loola dagaalamaa haddii sharcigu shaqayn waayo oo dawladdu dadka maqliweydo. Waa in layska hubiyaa waxa dhulka lagu aasayo oo wax-garadku ka hawl galaan sidday masiibadaas uga hortegi-lahaayeen.


Halkan hoose-na waxaad ka akhrisataan Uranium-ka dhibaatooyinka uu dadka iyo deegaanka u geysankaro.

Radioactive Waste Disposal
Various methods to manage and dispose of radioactive waste have been considered. Proposed management and disposal methods have included the


https://eyreinternational.wordpress.com/

Mohamed-Bashe A. Elmigeydh
Ottawa, Canada

Comments

Popular posts from this blog

An appeal to the outside World

Dib-u-soo-Celinta Ciidamada Somaliland waa Siyaasad Qaladan, mana aha talaabo nabadgelyo ka dhalinaysa deegaankaas.